|
Ujeedooyinkii Diiwaanka.  Abwaan Ismail (Qumaati.com)Cidkastoo wax qorta ama diiwaan daabacda waxbaa ku kalifey, arin kastoo cidi samaysaana wuxuu leeyahay sabab iyo ujeedo ka danbeysa.Diiwaan aan ujeedo lahayna cidi ma daabacdo mana diyaariso, sidaa daraadeed hadaan war bixin kooban ka bixiyo sababihii igu kalifey inaan qoro diiwaankan Sama-doon waxa ka mid ah: 1. si aan ummadda ugu soo gudbiyo suugaantii aan curinaayey muddo sideed sanadood iyo dheeraad ah, taas oo aan waqti badan ku lumiyey, isla markaana ka turjumaysa aqoon iyo aragti wixii aan kaydinaayey ama garashadeyda ka soo maaxdey,. 2. markaan eegay Abwaanadii soomaaliyeed ee iga horeysey iyo sida suugaantoodii u luntey ee aan looga reebin wax laga dhaxley ama dadkii ka danbeeyey aanay uga soo gaadhin wax ay ka dhaxlaan oo lagu xasuusto, ayaa waxaan go’aansadey qorista diiwankan oo si aniga iyo suugaanteyduba aan uga badbaadno ragii hal-abuurada ahaa ee iga horeeyey . 3. markaan eegay halka umdaddeenu wax qorista ka taagan tahay iyo dhibaatada ay inoo gaysatey qoraal la’aantu, ha ahaato mid dhaqan, mid suugaaneed, mid taariikheed, mid cilmi iyo mid caqli intaba. 4. markaan ka gun gaadhay baahida dhaqankeena iyo suugaanteenu u qabaan in wax laga qoro, iyo sida faaf go’a iyo dhaqan guurku ugu sii fidaayo maalinba maalinta ka danbeysa. 5. markaan arkay qulqulka iyo hayaanka dadkeenu ku jiro iyo sidey ubadkeenii ku dhashay ama ku kacaamay dibadaha ee yaraantoodii la geeyey uga aradan yihiin afkii hooyo ee ay u dhasheen, taas oo aan u arkey in ay tahay khatar ina soo food saartey oo hadaan laga digtoonaan ama laga hor tagin dhalin karta dhaawac sal balaadhan oo aan hadhow laga soo kaban karin. |